Mahdi Guuleed oo xafiiskiisa ku qaabilay James Swan

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii ugu damgeysay uu khilaaf hareeyay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yiri “Waxa aan xafiiskeyga ku qaabilay Amb. James Swan, waxa aanu ka wadahadalnay arrimaha hortabinta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka 2021.”

Guleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com