Taliyaha Ciidanka Ilaalada ee Deegaanka Xamar oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada ee Deegaanka Xamar, G/sare Maxamed Carabow Cali ayaa maanta xilka la wareeegay, ka dib munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Cabdulqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Booro) ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabay Taliyaha cusub, ka dib markii uu xilka ka qaaday Taliyihii hore, Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe.

Munaasabadda uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka, Afhayeenka Maamulka, Saraakiil ciidan, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka, Agaasimeyaal iyo xubno kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com