Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Maamulka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.
Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Taliyaha Ciidanka DANAB ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidanka Haramcad iyo saraakiil kale.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulankan muhiimka ah ee todobaadkiiba mar qabsooma warbixinta Amniga uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amaanka, taasi oo la xiriirtay howlaha sugida amniga.
Saraakiisha Amniga ayaa Madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha ammaanka ku sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha sugida amniga, sidoo kalen shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com