Somaliya oo ay tahay inay laba tallaabo qaado, ka dib heshiiskii Qatar iyo Sacuudiga

Qatar ayaan baahidii hore u qabi doonin Dowladda Somaliya, maadaama wadamadii go’doomiyay ay ku heshiiyeen in go’doominta laga qaado.

Somaliya ayaa sanadkii 2017-kii sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisaddii xilligaa soo kala dhexgashay dalka Qatar oo dhinac ah iyo Sacuudiga, Emirate-ka, Bahrain iyo Masar oo darafka kale ahaa, iyadoona hawadeeda u ogolaatay inay adeegsadaan diyaaradaha dalkaasi, maadaama cir, bad iyo dhulba laga go’doomiyay.

Dowladihii ay is hayeen Xukuumadda Doha ayaa go’aanka Somaliya u arkay mid hal dhinac u janjeera, iyadoona Xukuumadda Riyadh ay Xukuumadda Muqdisho culeys ku saartay, sidii ay mowqifkaasi uga noqon laheyd, inkastoo ay Muqdisho ku adkeysatay go’aankeeda.

Haddaba heshiiska ay xilligan wada gaareen Dowladaha Sacuudiga iyo Qatar, muxuu uga dhigan yahay Somaliya? Waxaa ka hadlaya Dr. Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo fallanqeeya arrimaha dunida Islaamka.

Axmed Tiir oo la hadlay BBC ayaa yiri “Horta siyaasadda dhexdhexaad wax la yiraahdo badi ma jirto, ninka meel uun buu jiraa, hawadaada iyo caadifadaada meel bay jirtaa, meel baa cilaaqaad la leedahay. Saxiixa qaraarka waad dhihi kartaa aniga dhexdhexaadaa ahay, laakiin runta haddii la sheego Somaliya waxay cilaaqaad weyn la laheyd, marna aanan hoos u dhicin Dowladda Qatar oo u ogolaatay hawada Qatar, haddii laga soo xiro Somaliya hawo aanan ahayn maynaan haysan. Marka Qatar waxay aad ugu dadaashay Somaliya inay gacanta ku hayso, oo ay cilaaqaad hoose la yeelato.”

Axmed Tiir ayaa tilmaamay in Dowladaha Carabta lagu yaqaano, haddii ay heshiiyaan in ay dhexda uga taggaan dhinacyadii kale ee taageerayay, Somaliya-na ay iminka tahay inay qaado laba tallaabo.

“Nimanka Carabta dabeecadooda haddii ay heshiiyaan adiga dhexda uun bay kaaga taggi, hadda Somaliya waxaa u taalo laba arrin oo aad u muhiim u ah, si ay arrimahaan uga xeeladeysato.” Ayuu yiri Axmed Tiir.

Axmed Tiir oo labadaasi tallaabo faah faahinayay ayaa yiri “Waa midda (1aad) Somaliya waxaa lagu tirinayaa markaan dhab u hadalno inay Qatar garab istaagtay, waxaana loo baahan yahay dowladihii ee eedda ka tirsanaayay Somaliya ku eedeynayay inay Qatar la safatay, sidii cilaaqaad diblomaasi oo xoog leh ay ula samayn laheyd ayna u tusi laheyd inay tahay dowlad dhexdhexaadnimadeeda ay sheeganeyso ay ugu cadayn laheyd inay ahayd dhexdhexaad. Waa midda 2aad Dowladda Qatar dabcan baahida badan ay Somaliya u qabto, markii hawada iyo dhulka loo furo way ka yaraan doontaa, marka waxaa yaraan doono ahmiyadda badan ay Somaliya siin doonto. Marka waxay u baahan tahay Somaliya inay gacmaha u furto dowladaha kale ee miisaanka weyn leh ee Carabta, sida Sacuudiga, Emirate-ka iyo dowladaha lamida, oo ay diblomaasiyo sameyso si ay cilaaqaad ula soo ceshato dowladahaas, oo hadda ku eedeynayo inay dhinac la safatay.”

Villa Somalia ayaa Isniintii soo dhaweysay dadaalada xilligan leeskugu soo dhaweeyay Sacuudiga iyo Qatar, si saddex sano iyo bar ka dib loo soo afjaro xurguftii ka dhaxeysay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com