Wariyihii caanka Axmed Cabdinuur oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday Allaha u naxariistee Suxufigii caanka ahaa ee u shaqeynaayay Idaacadda BBC, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdinuur.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa Saynab Yaasiin Xirsi.

Waxa uu ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana geeridiisa ka naxay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyerd ayaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay geerida Naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com