Wasiirka Arrimaha Dibadda & Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kulan gaar yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga waxtarka leh ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hey’adda ee la xiriira u adeegidda muwaadiniinta iyo shisheeyaha.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, si la mid ah Agaasime waaxeedyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay hoggaanka u qabanaysaa hindiso uu wehliyo geedi-socodkeeda qaran oo ay ku dhammaystirayso adeegyada dowladeed ee culayska looga qaadayo muwaadiniinta iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyaddeeda loogu talagalay kor u qaadista heerka adeegyada qunsuliyadaha iyo fududeynta habraacyada, iyadoo tani ay gacan ka geysaneyso in muwaadiniintu helaan adeegyadan si haboon oo fudud. Wasaaraddu waxay adeegyadeeda u fidisaa Soomaalida iyo shisheeyaha, ha ku sugnaadeen gudaha dalka ama dibaddiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com