SAWIRRO: Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Bulaacad muhiim ah oo Muqdisho loo sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta isku xirta Isgoyska Km4 ilaa dekada Qalalan ee magaalada Muqdisho.

Munaasabad Kooban oo Bulaacadan xariga looga jaraayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini.

Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caasimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameynta uu roobka u geysto bilicda iyo isku socodka magaalada.

Duqa magaalada iyo masuuliyiinta kale ayaa sidoo kale kormeeray wajiga saddexaad oo uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku dhameystiro xal u helida biyamareenkan si roobabka da’aya uusan u wax yeeleynin wadooyinka magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com