Taliska Asluubta oo faah faahiyay Khasaaraha ka soo gaaray Qarax ka dhacay Muqdisho

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar oo u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Cabdikhani Maxamed Khalaf ayaa sheegay in qaraxaasi lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, balse uu ka badbaaday.

Qaraxa waxaa ku dhintay sida uu sheegay Afhayeenka laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qof Shacab ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen afar Askari iyo shacab.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com