Wararkii ugu dambeeyay qarax saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qarax miino oo saaka ka dhacay wadada Taleex ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Asluubta, xilli ay marayeen nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi Bille ahaa, oo Ciidanka Asluubta ay la socdeen.

Wade mooto bajaaj ayaa la sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay, halka shan askari oo kuwa Asluubta ahna ay ku dhaawacmeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaadiidka la weeraray uu la socday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha Asluubta iyo Saraakiisha Booliska ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wadada uu qaraxan ka dhacay waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamada ammaanka, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaareen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com