Ciidan Diyaarado lagu daabulay oo laga dejiyay Magaalada Beledweyne

Dowladda Somaliya ayaa saaka Magaaalda Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay ka dajisay Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Haramcad.

Ciidankaan ayaa afar diyaaradood looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay oo laga dajiyay Garoonka Ugaas Khaliif, halkaasi oo aan la ogeyn meesha laga sii geeyay.

Tirada Ciidamadan ayaa waxa ay gaarayaan illaa 200 Askari, kuwaasi oo saanadooda Militari ay u dhameystiran tahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya ujeedada Ciidamada halkaasi loo geeyay inay tahay sidii doorashada Kuraasta Baarlamaanka si nabadgelyo ah halkaasi uga dhici lahaayen.

Warar kale ayaa sheegaya inay suuragal tahay Ciidamada inay weerar ku qaadaan Jeneraal Xuud oo duleedka Magaalada Beledweyne Ciidamo la dagaalsan Maamulka Hirshabelle, halkaasi ku haysta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com