Dowladda oo sheegtay duqeyn in lagu dilay Saraakiil Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dqueynta oo ka dhacday deegaanka Saaxaweyn ee Gobolka Baay lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 5-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiray Sarkaal ay ku tilmaamtay inuu ahaa midkii la bartilmaameedsanayay, wallow dowladda aysan shaacin magacyada xubnahaas.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com