Diyaarado duqeyn ka gaystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya Diyaarado loo maleynaayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn ka gaystay Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Raaso-ugaas, kaas oo diyaaraduhu ay ku tuureen tiro gantaallo ah sida ay sheegayaan wararka.

illaa 7 gantaal oo ay ku tuureen deegaankaasi ayaa waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay maadaama qadka Isgaarsiiinta deegaankaas uu yahay mid Liito, Ciidamada Kenya ayaa Al-shabab ku dagaalama deegaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose oo ciidamo ay ka joogaan ka tirsan Amisom.

Sidoo kale waxaan si sax ah loo ogeyn bartilmaameedka duqeynta cida ay aheyd, maadaama aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka fuliyo deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somaliya, gaar ahaan Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com