Midowga Musharaxiinta & Madaxweynayaasha Saddex Maamul Goboleed oo shir yeelanaya

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, Galmudug,  Hirshabeelle & Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadlayaan xaaladaha ku soo kordhay doorashada, kaddib go’aankii Xukuumadda ku gaartay in la guda galo doorashada.

Kulan ay xalay yeesheen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay ka digeen in dalka ka dhacdo doorasho lagu kala qeybsan yahay oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Madaxwenayaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug,  Hirshabeelle & Koonfur Galbeed, ayaa go,aan ku gaaray in doorasho la aado, waxaana go’aankaas aad uga xumaaday Musharixiinta halka weli ay ka aamusan yihiin Maamulada jubbaland & Puntland.

Lama oga sida looga heshiin doono hanaanka Doorashada Somaliya oo Madaxweyne Farmaajo & Kooxdiisa ay doonayaan inay Boobaan, halka mucaaradkana ay ka soo horjeedaan arrintaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com