Midowga Musharaxiinta oo war kale ka soo saaray go’aankii D/federaalka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray go’aankii Dowladda Federaalka, ee ahaa in la guda gelaayo hirgelinta doorashooyinka dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyay tallaabada dowladda, oo ay ku sheegeen mid dalka looga qabanayo doorasho hal dhinac ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa go’aanka Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid lagu xirayo albaabkii wadahadalka, ee lagu xalin lahaa muranka hareeyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Warsaxaafadeedka ayay ku sheegeen in doorasho ay ka maqan yihiin Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay u arkaan mid lagu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay soo bandhigto xalka tabashooyinka laga qabo Guddiga Doorashooyinka, habraaca lagu dooranayo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi iyo arrinta Gobolka Gedo.

Akhriso warsaxaafadeedka:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com