SAWIRRO: Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay madaxda Warbaahinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxda Warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee dalka ka hawlgasha.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada kala guurka ee dalka uu kujiro Arimaha doorashooyinka iyo Doorka Warbaahinta

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala hadlay Mas’uuliyiinta warbaahinta muhiimadda ay leeyihiin Marxalada doorasho ee uu dalku ku jiro,waxaana uu ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyigelinta bulshada ee saaxafada iyadoona Aragtiyo kala duwan ay madaxda saaxafada la wadaageen Ra’iisulwasaaraha.

Xilliyada lagu jiro ololaha doorashada ayaa inta badan madaxda waxa ay soo dhaweystaan Warbaahinta, iyaga oo markii dambe ee xilalka ay helaan ku tacadi Suxufiyiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com