Taliyaha Degmada Kaxda oo isku day dil ka badbaaday

Qarax miino ayaa lala eegtay gaari uu watay Taliyaha ciidamada Booliska Degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska xoosh ee Degmada dharkiinley, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Saddex ka mid Ciidamada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada rasaas ay fureen dhaawacyo ay ka soo gaareen laba ruux oo saarnaa Mooto Bajaaj goobta Qaraxa ka dhacay mareysay.

Qaraxyada Miinooyinka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan arrintaasi gaysta oo masuuliyadda dusha saarta Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com