Beesha Caalamka ayaa waxay caawa ku baaqday in la xaliyo khilaafka wiiqay geedi-socodka arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Beesha Caalamka ayaa war ay soo saartay dhinacyada siyaasadda ugu baaqday in ay xaliyaan, oo ay ka gudbaan is mari-waaga ka taagan heshiiskii 17-kii bishii September ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Warka Beesha Caalamka ayaa u qornaa:-
Saaxiibadu waxay ka mahadcelinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhawaan, gaar ahaan waxay soo dhaweynayaan booqashadii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wadahadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garoowe ku martigaliyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garoowe, una soo gudbiyay Madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.
Saaxiibadu waxay garwaaqsan yihiin in heshiiska 17kii September ay ansixiyeen Dowladda Federaalka, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka (qof iyo cod ah), ayaa haddana heshiiska 17-kii September wuxuu yahay aasaaska keliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta (heshiiskaas), si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.
Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.
Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.
Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horey loogu sii amba qaado.
Warkan ayaa waxaa soo saaray Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), AMISOM, Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Britain, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com