Dowladda oo dib u furtay wadada horumarta Xarunta Hay’adda CID

Dowladda Somaliya ayaa maanta dib u furtay wadada horumarta Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho, taasoo in muddo ahba xirneyd.

Wadada dib loo furay oo ku dhow Isgoyska KM4 ayay Hay’adda CID sanado ka hor ku jartay dhegxaan, waxayna xiristeeda timid, ka dib markii ay Shabaabku weerareen marar hore.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in furista wadada ay ka dambeysay, ka dib cabasho uga timid dadweynaha.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale la furi doono wadooyinka kale ee ku yaala magaalada, isla-markaana u xiran hay’adaha iyo shakhsiyaadka, isagoo intaa ku daray inaanan la aqbali doonin in wadooyinka ay sii xirnaadaan.

Doodisho ayaa ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee ay wadooyinka qaarkood u xiran yihiin ugu baaqay in ay dib u furaan wadooyinka, si loo fududeeyo isu socodka gaadiidka ee Caasimadda Muqdisho.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore bilowday dib u furista wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com