Faah faahin: Dalabka Midowga Musharaxiinta ee in doorashada lagu soo koobo hal magaalo

Midowga Musharaxiinta ayaa waxay soo jeediyeen in deegaanada ay doorashooyinka ka dhici doonaan lagu soo koobo Magaalo Madaxyada Dowlad Goboleedyada, xilli ay qoraal u direen Beesha Caalamka.

Tani ayaa waxay liddi ku tahay heshiiskii 17-kii bishii September ay Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo ahaa in laba deegaan doorasho ay ka dhacdo Dowlad Goboleed kasta.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in soo jeedintooda ay ku saleeyeen daruufo badan oo jira, xilli muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu geba-gabo ku dhow yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri “Waxaan ku saleynay muranka ka soo noqday arrintii lagu heshiiyay, ee ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku heshiiyeen ee laba deegaan doorasho lagu qabto, meelaha qaarkood qalalaaso ayaaba ka taagan, meelaha qaarkoodna qaabkii loogu qaban lahaa ayaa leesku fahmi la’yahay.”

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Meelo kalena hadda aan ognahay xagga amniga inaysan saamaxeynin oo daruufaha amniga aysan diyaar u ahayna way jiraan iyo waqtiga oo ciriiri ah, maadaama hadda dhawr iyo labaatan maalmood ay ka harsan tahay muddo xileedkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka.”

Ina Warsame ayaa intaa raaciyay “Waxaas oo dhan markaan xeerinay oo daruufta amniga fiirinay, meelaha lagu muransan yahay, goobaha qaarkood aan eegnay, goobaha qaarkood oo amnigooda uusan saamaxeynin aan fiirinay, waqtiga ciriiriga ahna aan fiirinay ayaa waxaan soo jeedinay in lagu soo koobo Caasimadaha Dowlad Goboleedyada, si fursadda aan loo luminin, wadankana firaaq dastuuri oo 8-da February ka dib aan loo gelinin, oo arrintaasi horey looga socdo ayay taladeena ahayd.”

Muranka bilowgii toddobaadkan ku soo kordhay arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaa la hadalhayaa in ay dib u dhac kale ku keeni doonaan doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com