Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maalmahaan Muqdisho ka waday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda, Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo isku khilafsan arrimaha doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulla Koonfur Galbeed uu noqon doono Maamulka ugu horeeya ee bilaaba doorashada Xubnaha Aqalka sare ee deeganada Maamulkaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Laftagareen uu qaatay doorka dhex dhexaadinta Dowladda Somaliya & madaxda maamul Goboledyada ee isku haya arrimaha doorashooyinka.

Doorashada Somaliya caqabada ugu horeysa ee haysata ayaa ah arrinta Gobolka Gedo & in laga heshiiyo Guddiga doorashooyinka ee Xukuumadda ay magacowday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com