Madaxweynaha Puntland Siciid Cabduulahi Deni ayaa qoraal uu goor dhow oo caawa ah Xafiiskiisa ka soo saaray ku kala diray Golihii Deeganka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa kala darista Golaha deegaanka u cuskaday qodobo Dastuuri ah.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland
Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wuxuu Xeeriyey :-
- Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
- Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com