Madaxweyne Qoorqoor oo sheegay doorasho Puntland & Jubbaland ka maqan yihiin in aan la qabaneyn

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa meesha ka saaray walaaca la xiriira in dalka laga qabo doorasho aysan u dhameyn maamulada dalka ka jira.

Wareysi uu siiyay Idaacadda BBC ayuu ku sheegay Madaxweyne Qoor qoor inaysan jirin suurtagalnimada dalka inay ka qabsoonto doorasho Jubbaland & Puntland ka maqan yihiin.

Wuxuu sheegay wali inay socoto xalinta tabashooyinka ay soo jeediyeen Maamulada Jubbaland & Puntland ee arrimaha doorashada la xiriira.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa kale oo uu sheegay in wali ay ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka arrimaha doorashada.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay.”

Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan arrimaha doorashada Somaliya oo aan wali laga heshiin, xilli muddo xileedka Madaxweynaha hadda jooga Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maalmo ay ka harsan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com