Qoorqoor oo u jawaabay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka jawaabay warkii maalmo ka hor ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ee ahaa inaanay wax jawaab ahi ka helin Qoorqoor, oo dhexdhexaadinayay labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay inay arrintaasi tahay mid cad, marqaatina loo hayo, balse uu ka xun yahay sida ay u hadleen madaxdaasi.

Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlay BBC ayaa yiri “Arrintaasi jiritaankeeda iyo inaanay ahayn wax qarsoodi ah dad badan oo siyaasiyiin ah oo arrimahaas ka soo qaybgalay ama markii aan ku warcelinay oo la wadaagnay baa jira oo joogga, markii aan Garoowe joognana dad bay u xil saarteen xiriirka iyo arrimahaa inay iyagu u qaabilsan yihiin, waana la wadaagnay kuwii qaabilsanaa iyo kuwo kalaba waan la wadaagnay.”

Qoorqoor oo u jawaabaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waan ka xumahay runtii nin dalka soo maamulay inuu sidaasi yiraahdo, anigu inaan u jawaabana masuuliyadda i saaran baa ka weyn.”

Qoorqoor ayaa intaa ku daray “Saaxiibkey Madaxweyne Axmed Madoobe, haddii aad la socotay waaba la socotee wuxuu yiri warqad nooma soo qorin Madaxweyne Axmed Qoorqoor. Marka warqad nooma soo qorin baa ku filan ayadana warkaasi inuu yahay war in la difaaco oo keliya loogu talagalay, ee aan xaqiiqadii ahayn, maxaa yeelay aniga warqad iima soo dhiibin iyo warqad nooma soo qorin waa wax la fahmi karo. Waa hadalo iyo jawaabo aanu maanta dalka u baahnayn, in aad iyo aad looga fogaado ayay ahayd ee maaha runtii in la yiraahdo tana waa difaaci kartaa, tana waa difaaci kartaa.”

Fashilka la sheegay in uu ku yimid dadaaladii laga dhex waday Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin ayaa markale wiiqi kara geedi-socodkii doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com