Shabaab oo qarax ku burburiyay gaari uu la socday nin Korneyl

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya, oo maanta qarax lagula eegtay duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, xilli ay gurmad u fidinayeen ciidan kale.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka ayaa ka amba-baxay Degmada Baardheere, si ay ugu gurmadaan ciidan kale oo kuwa dowladda ka tirsan iyo maleeshiyada Al Shabaab, oo ku dagaalamayay deegaanka Kormalay.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bille ahaa oo uu la socday Taliyaha Ururka 49aad, Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Dheere

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu ku dhaawacmay qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan tiro ka mida ilaaladiisii oo qaraxaasi ku dhaawacantay, kuwaa oo iminka xaaladooda lagula tacaalayo isbitaal ku yaala Baardheere.

Dhanka kale dagaalka ka dhacay deegaanka Kormalay ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinacba ka soo kala gaaray, waxaana hadda deegaankaasi oo hawlgal amni xaqiijin ah ka wada Ciidanka Xoogga Dalka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay halkaasi uga carareen meydadka laba nin oo ka tirsanaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com