Magacyada dadkii maanta lagu laayay Gobolka Galgaduud

Madaxtooyada Galmudug ayaa ciidamada ammaanka fartay in ay si deg deg ahi uga hawglgalaan maleeshiyadii dadka rayidka ahi maanta ku leysay deegaanka Xirsi Lugey, ee duleedka Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dadkan ayaa waxaa dilay maleeshiyaad aan heybtooda la garanayn, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa ciidamada ammaanka ka dalbaday in deg deg ahi ay gacanta ugu soo dhigaan maleeshiyadaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay qaadaan hawlgalo ay ku baadigoobayaan dembiile-yaasha, si cadaaladda loo horkeeno.

Dadka la dilay oo shan qof ahaa ayaa isugu jiray odayaal iyo culimo, kuwaa oo la aaminsan yahay in dilkooda uu salka ku hayo aanooyinka beelaha.

Afar ka mida magacyada dadkan ayaa waxaa lagu kala sheegay Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, Cabdi Yare Maxamed Aw Faarax, Cadaawe Xirsi lugey iyo Gaarane Cawil Samatar.

Deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa ku dhow deegaankii 9-kii bishii December lagu laayay lix ka mida Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com