SAWIRRO: Maamulka Gobolka Banaadir oo la qorsheynaayo in lagu wareejiyo hawlaha Caafimaadka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Xubno ka socdey Wasaarada Caafimaadka XFS oo ay hogaamineysey Wasiirka Caafimaadka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo daadejin lahaa Adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka kadib ayaa waxay Maamulka Gobolka Bnaadir iyo Wasaaradda Caafimaadku Gudi 2 geesood ah u saareen ka shaqeynta sidii Gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Gobolka Banaadir.

Gudiyadaas ayaa waxaa laga doonayaa iney warbixin soo gudbiyaan dhamaadka bishan si ay Aakhirka u saxiixaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Caafimaadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com