Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa si kulul u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay deegaanka Xirsi Lugey ee duleedka Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, laguna dilay shan qof oo rayid ahaa.
Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa masiibo aad u weyn ku tilmaamay dhacdadaasi, isagoo dhanka kalena uga tacsiyadeeyay eheladii ay ka baxeen dadkaasi.
“Waxaan cambaareyneynaa dilkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay tuulada Xirsi Lugey ee hoos-tagta Degmada Balanballe, waxayna aheyd masiibo aad u weyn. Waxaan sidoo kale tacsida la wadageynaa dhammaan eheladii ay dadkaasi ka baxeen in uu Alle ka samir siiyo, Janadii Firdowsana uu ka abaal mariyo marxuumiintii sida dulmiga ah loogu laayay tuuladaasi, gadaashoodna Alle nama fitneeyo.” Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey.
Xildhibaanka ayaa ayaan-darro ku sheegay in qarnigan 21aad aanay weli dadka Soomaaliyeed ka gudbin waxa uu ugu yeeray ciqaabta jahliga, ee ay isugu gaysanayaan deegaanada Galmudug.
“Waa ayaan-darro weyn in qarniga 21aad aysan dadkeenu ka gudbin ciqaabta jahliga ah, oo ay isugu gaysanayaan deegaanada hoos yimaada Galmudug State, waana wax mudan in si dhameystiran looga wada hortaggo.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan.

Isagoo dadka Soomaaliyeed kaga diggaya dhibaatada ka dhalan karta in dil ula kaca ah loo gaysto qof aan waxba galabsan ayaa wuxuu yiri “Dilka walaalka Muslimka ah waa mid xaaraam ah, waxaana ka dhalata carrada Alle, waana mid imtixaan ah oo u baahan in laga wacyigeliyo dadkeena Soomaaliyeed.”
Xildhibaan Muudey ayaa markale yiri “Waxaan baaq u direynaa dhammaan walaalaha Galmudug in ay ka wada shaqeeyaan ka-hortagga khataraha noocaasi ah ee aadka u foosha xun.”
Muudey ayaa intaasi raaciyay “Alle (SWT) wuxuu u ballanqaaday ruuxii si ula kac ah u dila ruux Muslim ah ay abaal marintiisu noqon doonto carradiisa iyo in uu ku waarayo naarta jahanama.”
Shanta qof ee maanta lagu dilay deegaanka Xirsi Lugey ayaa xaalad ku soo kordhisay deegaanada hoos-tagga Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe, iyadoona laga cabsi qabo inay ka dhashaan dilal kale oo aargoysi ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com