Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu horkacayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.
Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay khilaafka raggaadiyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Waxaase war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu sheegay in kulanka looga hadlay qodobo kala duwan, oo midda doorashada ay qayb ka tahay.
Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan oo wafdigiisa ay qayb ka ahaayeen madax ka socday Hay’adaha IOM iyo OCHA.”
“Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha gargaarka, saamaynta ayaxa iyo doorashooyinka.”







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com