Wasiirkii ugu horeeyay ee Waxbarashada Puntland oo geeriyooday

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Dr. Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayuu Madaxweynuhu kaga tacsiydeeyay geerida ku timid marxuumka.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii ugu horeeyay ee Arrimaha Bulshada Puntland Dr. Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Dr. Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Sagaalkii Wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com