Guudlaawe oo is bedelkii ugu horeeyay ku hoggaamiyay Jowhar

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa is bedelkii amni ee ugu horeysay ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka, tiiyoo maanta laga dareemay magaaladaasi.

Muddada labada bilood ee Madaxweynuhu uu xafiisku jooggo waxaa lagu ammaanay inuu diiradda saaray wax-ka-qabashada amniga magaalada, xilli billo ka hor uu qalqal amni ka jiray magaaladaasi.

Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa inoo sheegay inuu hoos u dhac weyn ku yimid falalkii amni-darro ee magaalada ka jiray, amniga magaaladana uu haatan u muuqdo mid xasilloon.

“Jowhar waxaad ku arkeysaa Xildhibaan magaalada iska dhex socdo, isagoo wax ilaalo ah wadan, horey ugama jirin magaalada. Taasna waxaad ka garan kartaa is bedelka amni ee magaalada ku yimid.” Ayuu yiri Maslax Maxamed oo dadka deegaanka ka mid ah.

Maslax Maxamed ayaa xusay in laba bilood ka hor uu qalqal amni ka jiray Magaalada Jowhar, isla-markaana lagu dilay laba ka mida Golihii Wasiirada ee Maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xitaa wax-ka-qabtay dilalkii ciidamada ammaanka ee xilliyada qaarkood magaaladaasi ugu gaysan jireen dadka rayidka.

Xildhibaan Muudey oo la hadlay Universaltv ayaa bidhaamiyay in shaqada ay iminka bilow tahay, isla-markaana ay si wanaagsan u socoto, isagoo intaa ku daray in yoolka maamulka uu yahay in amni lagu soo dabaalo deegaanada Hirshabelle.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle ku ammaanay in is bedelkiisa amni uu qayb ka yahay hagaajinta anshaxa Ciidamada Qalabka Sida.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Siyaad oo u waramay Universaltv waxaa uu sheegay in anshaxa ciidamada oo la hagaajiyaa ay xoojin karto wada shaqaynta ciidamada iyo shacabka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu markaan diyaar u yahay wax-ka-qabashada amniga wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsadan ayaa wax-ka-qabashada amniga ku tilmaamay mid ka mida ballanqaadyadii ugu waaweynaa ee Madaxweynuhu sameeyay, xilligii doorashada.

Is bedelka amni ee laga dareemay Magaalada Jowhar waxay ku soo aadaysaa, xilli Jowhar lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Source: Universaltv

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com