Gadoodka Ciidamada Galmudug oo saameysay gaadiidka (SAWIRRO)

Ciidamada Galmudug ayaa weli wada gaadoodkii ay maalin ka hor ka bilaabeen deegaanka Gelinsoor ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa xirtay wadada laamiga ee deegaankaasi, iyagoona u diiday in ay adeegsadaan gaadiidkii ganacsiga ee isugu kala gooshi jiray Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Gaadiid fara-badan oo kuwa xamuulka ah ayaa haatan ku xaniban Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Gaadiidku waxay u raran yihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Ciidamada gadoodkan oo muddooyinkii ugu dambeysay tababar ku qaadanayay Xerada Dhan-karoone ee deegaanka Gelinsoor ayaa ka cabanaya mushaaraad ka maqan muddo billo ah.

Ciidamadu waxay u badan yihiin maleeshiyo beeleedyo ay Galmudug bartamihii sanadkii hore bilowday in ay xareyso, una furto xeryo loogu tababaro Daraawiishta, uu markii ugu horeysay yeelanayo maamulka ka dhisan Gobolada Dhexe.

Ciidamadan ayaa loo tababarayay in loo adeegsado hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo inay kala dhexgalaan beelaha, kolka ay dagaalamayaan, sida uu horaanba sheegay Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.

Madaxda Galmudug ayaan ka hadlin gadoodka ay ciidamadaasi ka wadaan aagga Gelinsoor, oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee gobolada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com