Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta in oday ah hoygiisa dib ugu celiyay, ka dib muddo soddon ah oo magaalada looga haystay.
Gurigan oo ku yaala Degmada Kaaraan ayaa waxaa soddonkii sano ee ugu dambeysay deganaa qoys, kuwaa oo sida uu Gudoomiyuhu sheegay degay, ka dib markii qoyskii lahaa ay ku barakaceen dagaalkii sokeeye ee dalka.
Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in dadaal badan ay u galeen, sidii muwaadinkaasi hoygiisa loogu soo celin lahaa, ka dib markii uu is faham-waa soo kala dhexgalay isaga iyo qoyskii deganaa.
“Waxaaan maanta halkan u nimid inaan milkile gurigiisa ka maqnaa muddo soddon sano ah ku wareejino. Runtii dadaal la sameeyay ayay ku suurtagashay. Burburka markuu dhacay dhibaato badan ayaa dhacday, oo hanti badan ayaa la kala qaatay, guryo badan ayaa la kala xoogay, dhul bannaan asaga warkiisaba daa.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa yiri “Maamuladii is bedbedelayay wuxuu aad ugu dadaalayay in cid walba waxeydii dib loogu celiyo, tani waa mid ka mid ah dhacdooyinkii soo taxanaa, oo cid walba aan milkiyadeedii dib ugu celineynay. Degmada Kaaraan ayuu ku yaallaa gurigaan, waxaana uu ka maqnaa gacanta milkiilaha, markii burburka dhacay oo laga qaxay qoys Soomaaliyeed ayaa ku noollaa. Qoyskii Soomaalida oo degan ayaa waxaa u soo noqday qoyskii lahaa, maamulka ayay la soo xiriireen mar ay ayaga xoogaa is fahmi waayeen. Maamulka Degmada iyo kan gobolka oo iskaashanaya waxay ku guuleysteen inay milkiilihii ku wareejiyaan maanta gurigiisii, oo hadda aniga aan furihiisii gacanta ku hayo.”
Cumar Filish ayaa shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ugu baaqay in cid kastoo haysata hanti aysan lahayn ay dib ugu celiso dadkii lahaa.













Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com