Ra’iisal Wasaare Rooble oo nasiino ku qaatay Xeebta Liido (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii u damaashaad tagay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa halkaasi kula kulmay qaar ka mida bulshaddii u dalxiiska iyo nasiinada tagtay, isagoona shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay xasilooni iyo nabad waarta.

“Waxaan Xeebta Liido waqti kula qaatay qaar ka mid ah bulshada caasimadda oo halkaas u dalxiis iyo nasiino tagay. Waxaan shacabkeena u rajeynayaa xasillooni iyo nabad waarta.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka.

Waa markii ugu horeysay uu Ra’iisal Wasaaruhu u damaashaad taggo Xeebta Liido, tan iyo markii xilka loo dhaariyay 23-kii bishii September.

Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waa halka iyo goobta ugu weyn ee dadka waqti iyo nasiinaba ku qaataan maalmaha fasaxa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com