Sarkaal Shabaab ah oo lagu soo bandhigay Gobolka Shabellaha Hoose

Sarkaal la sheegay in uu ka soo goystay maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sarkaalkan ayaa xiriir la soo sameeyay Maamulka Degmada Qoryooley, ka hor intii aanu ka soo goysan maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Degmada Qoryooley ayaa lagu yiri “Juhdi iyo dadaal badan ka dib waxaa iska soo dhiibay kooxda araxanlawe-yaasha ee Al Shabaab ninkan. Waa Amiirkii kooxda ee deegaanka Farsooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka Difaaca ee Degmada Qoryooley.”

“Ciidamada ayaa uga hortagay oo ku soo dhaweeyay tuulo 2km u jirta Qoryooley, isagoo wata qori AK47 iyo booshkiisa, waxaana halkaasi ka soo waday Ciidamada Degmada Qoryooley.”

Degmada Qoryooley ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose ee u nugul weerarada mintidiinta Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa mar sii horeysay ku baaqay in dhalinta la marin habaabiyay ay ka soo taggaan Shabaabka hubeysan ee dalka dhibaatada ka wada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com