North Korea oo soo bandhigtay gantaalka ugu weyn dunida (SAWIRRO)

North Korea ayaa fagaare ku yaala Magaalada Pyongyong ku soo bandhigtay gantaal weyn, oo ah nooca lagu rakibo maraakiibta gujiska ee badda quusa.

Warbaahinta Dowladda ayaa war ay baahisay waxaa lagu sheegay in gantaalkani uu yahay hubka ugu culus ee maanta dunida yaala.

Fagaarahan ayay sidoo kale Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus ciidan, xilli ay kumanaan dadweyne ahi daawanayeen, kuwaa oo calanka dalkaasi sare u lulayay.

Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu tilmaamaa dal dunida inteeda kale ka go’doonsan, waxayna cadowgeeda ugu weyn u aragtaa Mareykanka.

Soo bandhigista hubkan ayaa imaanaya dhawr cisho uun ka hor maalinta Arbacada oo lagu wado in uu xilka madaxtinimada ee dalkaasi la wareego Madaxweynaha la doortay, Joe Biden.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com