Lafta-gareen oo Saraakiisha faray furista wadooyinka Xudur ee go’doonsan

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo booqasho ku joogga Magaalada Xudur ayaa xalay kula kulmay Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada kala hadlay, sidii Magaalada Xudur looga saari lahaa go’doominta adag, ee ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in la qaado, lana dardargeliyo hawlgal militari, oo dib loogu furaayo wadooyinka go’doonsan.

General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro), Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Madaxweynaha u sheegay in ciidanka oo garabsanaya dadka deegaanka ay bilaabi doonaan guluf maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo wadooyinka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in uu Xudur u jooggo ka jawaabidda cabashada ka timid dadka deegaanka, ee ka dhalatay inaanan ganacsigii la keeni karin magaaladaasi.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay gubay gaadiid fara-badan, oo ganacsi u waday Magaalada Xudur, ka dib markii ay wadooyinka u galeen, dabna ay qabadsiiyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com