Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay Safiiro (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta, Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland, Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta, Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Gudoomiyaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diiran.

Danjire Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku-oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Danjiraha Switzerland, Valentin Zellweger ayaa u gudbiyay Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaasi Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com