Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya oo la kulmay Taliyaha AFRICOM

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Stephen Townsend oo booqasho ku joogga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xiriirka militari ee labada dowladood iyo dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada uu Mareykanku siiyo Ciidamada Somaliya, gaar ahaan tababarada iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiir Xaaji uu General Townsend si gaar ahi kaga codsaday in markaan diiradda la saaro duqaymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Shabaabka ayaa culeys weyn ku haya deegaanada goboladaasi, oo aad ka arki karto go’doominta naxariis darada, ee ay xilligan ku hayaan Magaalada Xudur, oo xaalad bani’aadanimo laga soo sheegayo.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, halka Taliyaha AFRICOM ay ku wehlinayeen Saraakiil ciidan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com