Taliska AFRICOM oo ka hadlay duqayn ka dhacday Degmada Jamaame

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray weerar dhinaca cirka oo maanta ka dhacay nawaaxiga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqayntaasi lala eegtay xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, laguna dilay saddex ka mida maleeshiyada.

War ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay inaanay jirin wax khasaaro ah oo weerarkaasi diyaaradeed ka soo gaaray dadka rayidka.

Dhanka kale war ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqayntaasi lagu dilay mid ka mida Salaadiinta beelaha, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Suldaan Maxamed Cabaas.

Haddii la xaqiijiyo jiritaanka warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxay noqoneysaa duqayntii ugu horeysay ee sanadkan ay Mareykanka waxyeelo ugu gaystaan rayidka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sanadkan bilowga ah dardar ku wada weerarada dhinaca cirka, ee ay ka gaysanayaan dhulka ay maamusho Al Shabaab.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Xukuumadda Washington ay ciidamadeeda kala baxday Koonfurta Somaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay ay saldhigga ugu weyn ku lahaayen Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com