Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Cali Mahdi (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Madaxweynihii hore ee dalka ugu tagay salaan iyo inay iska xog wareystaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo midda doorashada ay ugu horeyso.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale Cali Mahdi uga warbixiyay xaaladda deegaanada Hirshabelle iyo waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa, muddada labada bilood ee xafiiska uu jooggo.

Dhanka kale Cali Mahdi ayaa Madaxweyne Guudlaawe uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, iyadoo uu dhinaca kalena kula dardaarmay inuu xoojiyo dib-u-heshiisiinta beelaha.

Waa kulankii ugu horeeyay oo Madaxweyne Guudlaawe uu la qaato Madaxweynihii hore ee dalka, tan iyo markii 11-kii bishii November loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com