Sarkaal Shabaab oo la sheegay in lagu qabtay Jubbooyinka

Taliska Ciidanka Ururka 6aad ee Kumaandooska Danab ayaa faah faahiyay hawlgal ballaaran oo Talaadadii shalay laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Danab ayaa hawlgalka ka sameeyay deegaanada Beerxaani, Cabdi-dhoore, Qudus iyo Liba-kuus, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay in baaritaano dheeraad oo lagu baadigoobayay haraadiga maleeshiyada Al Shabaab lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo saddex ka mida maleeshiyada iyo horjoogahoodii.

Taliyaha ayaan sheegin magaca ninkaasi iyo waxa uu Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa, balse sida uu muujiyay uu baaritaan ku socdo.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa tibaaxay in ujeedka hawlgalku uu ahaa ciribtirka waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada.

Taliyaha ayaa ugu dambeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, isla-markaana ay ku soo wargeliyaan cid kastoo ay u arkaan in amniga halis ku tahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com