Faah faahin: Dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan ee Muqdisho loogu gaystay

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dil saqdii dhexe ee xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Gudoomihyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun).

Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxeyso Isgoysla Hawlwadaag iyo Jidk Aadan Cadde, ka dib israsaaseyn dhex martay ilaaladiisii iyo Ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska ee Saldhigga Degmada Hawlwadaag ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari uu Gudoomiyuhu la socday, ka dib markii la sheegay in ay ka shakiyeen.

Sidoo kale israsaaseyntaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mida ilaaladii Gudoomiyaha, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidankii Booliska ee dilka gaystay ayaa la sheegay in la soo qabqabtay oo la xiray, waxayna ciidanku ku doodayaan in ay ka shakiyeen xawaarihii uu gaarigu ku socday, isla-markaana ay u fasheen in uu yahay ismiidaamin ay soo maleygeen maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in la soo xiray askartii rasaaseysay gaariga Gudoomiyaha.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumka, isagoona xusay in la baari doono dhacdadaasi.

Nasiib-darro Gudoomiye Dhegajuun oo shalay uun dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa saacado yar uun ka dib ku baxay gacanta ciidamada ammaanka.

Dhegajuun ayaa 12-kii bishii November ku dhaawacmay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo gaarigiisa lagula eegtay Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi. Dhaawac qaraxaasi ka soo gaaray ayaana keentay in arrimo caafimaad loogu qaado dalka Turkiga, oo Arbacadii shalay uu ka soo laabtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com