Galmudug oo afka qabatay Wariye-yaal dhuunta u galay

Laba ka mida Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu xiray magaaladaasi, ka dib amar u muuqday mid ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Maxamed Cabdiweli Tooxow iyo Cabdullahi Warsame Rooble ayaa xalay lagu xiray Saldhigga Booliska ee Dhuusamareeb, wax yar uun ka dib, markii laga soo qabtay magaalada.

Amarka lagu soo xiray Wariye-yaasha ayaa waxaa fuliyay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Degmada Dhuusamareeb, Cabdi Xaashi Caroole.

Ka hor inta aan xabsiga la dhigin labada Wariye ayaa loogu hanjabay xarig iyo dil, sida gelinkii dambe ee Arbacadii ay Wariye-yaashaasi ku sheegeen muuqaal ay iska duubeen.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Galmudug ayaa saakay Wariye-yaasha ugu tagay Saldhigga Booliska, iyagoo ayna su’aalo weydiiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Wariye-yaasha loogu hanjabay in laga musaafurin doono Magaalada Dhuusamareeb, laguna maxkamadayn doono Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan, iyadoo lagu eedeeyay faafinta warar been abuura iyo buunbuuninta xiisadda beelaha ee ka taagan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoos-tagga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada Wariye loo sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay ka hawlgeli karaan oo keliya, marka ay odayaashoodu damiintaan.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa Dhacdo.com u sheegay in Wariye-yaasha lagu haysto, iyagoo u shaqeeya si ka duwan Wariye-yaasha kale ee gobolka ku sugan.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa Suxufiyiintaasi ku dhaliilay in dardar ku wadeen baahinta wararka Galmudug, waana tan ka careysiisay Hoggaanka Galmudug.

Si ka duwan eedeymaha Madaxtooyada Galmudug waxaa wararka ay soo gudbiyaan Wariye-yaashaasi ku xiran bulshada deegaanada Galmudug, oo iyaga u arka kuwo shaqo muhiima bulshada u haya.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhalisan ayaa lagu eedeeyaa inay caburin xoog lihi ku hayaan bahda Saxaafadda.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida wadamada ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoona loogu gaysto cago-jugleen, xarig, jirdil iyo weliba dil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com