Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii Trump iyo Soomaalida oo soo dhaweysay

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Joe Biden ayaa bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii ku shaqeynayay Madaxweynihii xafiiska kaga horeeyay Donald Trump.

Madaxweynaha oo Arbacadii xafiiska la wareegay ayaa durbaba saxiixay shan iyo toban amaro, oo ay tahay in wax looga qabto faafitaanka xanuunka COVID-19, oo boqolaal kun oo qof ku dilay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale is bedel ku sameynaya sharciga muranka badan dhaliyay ee socdaalka lagu taggi karo dalkasi, oo dalalka qaarkood uu Maamulkii Trump ka joojiyay.

Is bedelkan uu bilaabay Madaxweyne Biden ayaa waxaa u riyaaqay qoysas Soomaaliyeed, oo horey looga joojiyay socdaal ay ku taggi lahaayen Mareykanka.

Halkan ka daalaco warbixinta

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com