Madaxweyne Deni oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta muuqaal foggaan aragga ee Internet-ka kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka uu horkacayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Somaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan.”

“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Somaliya, gaar ahaan xal u helidda tabashooyinka la xiriira doorashada.”

James Swan ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay waday kulamo uu xal loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka, oo uu la leeyahay dhinacyada siyaasadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com