Rooble oo hay’adaha ammaanka faray in ay baaraan dilka Gudoomiyihii Hodan

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa hay’adaha ammaanka faray in ay baaritaan ku sameeyaan dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Gudoomihyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun, Gudoomiyihii Degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah, oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxeyso Isgoyska Hawlwadaag iyo Jidka Aadan Cadde, ka dib israsaaseyn dhex martay ilaaladiisii iyo Ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska ee Saldhigga Degmada Hawlwadaag ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari uu Gudoomiyuhu la socday, ka dib markii la sheegay in ay ka shakiyeen.

Gudoomiye Dhegajuun oo shalay uun dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa saacado yar uun ka dib ku baxay gacanta ciidamada ammaanka.

Dhegajuun ayaa 12-kii bishii November ku dhaawacmay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo gaarigiisa lagula eegtay Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi. Dhaawac qaraxaasi ka soo gaaray ayaana keentay in arrimo caafimaad loogu qaado dalka Turkiga, oo Arbacadii shalay uu ka soo laabtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com