Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul kaga hadlay weerarada kooxaha argagixsada ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mida dalka.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u taagan madaxtinimada dalka ayaa marka hore Dowladda Federaalka ku dhaliilay inay dayacday ammaankii dalka, gaar ahaan midda Caasimadda Muqdisho.
“Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka, gaar ahaan midkii caasimadda billihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay inay si weyn u soo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisada ah. Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Waxaa uu iftiimiyay waxa keenay habacsanaanta amni ee muddooyinkii ugu dambeysay laga dareemay magaalada, isagoona yiri “Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa inay cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira.”
Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay dib shaqadooda ugu celiso Saraakiisha ammaanka, farahana ay kala baxaan arrimaha siyaasadda, mar uu ka hadlayayna wuxuu yiri “Dowladda Federaalka ah waxaan u soo jeedinaynaa inay dib ugu celiso Saraakiisha amniga shaqadooda, si ay uga hortaggaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qaybo ka mid ah dalka.”

Sidoo kale waxa uu xusay in lagu jiro xilli doorasho, dowladdana looga baahan yahay in hal gacan kula dagaalanto cadowga, gacanta kalena ay uga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka.
“Waxaa lagu jiraa xilli doorasho, waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah inay cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waaweyn, oo u baahan in laga hortaggo, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashada, gacanta kalena cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.” Ayuu yiri Guuleed.
Guuleed ayaa bulshada reer Muqdisho ugu baaqay in ay si miir-qab leh u wajahaan weerarada cadowga uu ka gaysanayo magaalada.
“Dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya inay si miir-qab leh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.” Ayuu yiri Guuleed oo warkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay Page-kiisa Facebook.
Hadalka Guuleed ayaa ku soo aadaya, xilli Magaalada Muqdisho laga dareemay qaraxyada ay ka gaysanayaan mintidiinta Al Shabaab, taasoo loo aaneeyo Saraakiishii Nabad Suggida oo faraha kula jira arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com