Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta soo geba-gabeeyay safar hal toddobaad qaatay, oo uu ku joogay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 16-kii bishan gaaray Magaalada Xudur, ka dib cabasho xoog leh oo kaga timid dadka deegaanka, oo ka cabanayay arrimo bani’aadanimo oo ka dhashay go’doominta daran ee maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan magaaladaasi. Maleeshiyada Al Shabaab ayaa jaray wadooyinka soo gala magaalada, iyagoona sidoo kale diiday in ay magaaladaasi taggaan gaadiidka xamuulka ee shixnadaha kala duwan sida.
Madaxweynaha ayaa xilligaa sheegay in uu Xudur u tagay, sidii wadooyinka go’doonsan loo furi lahaa, dadkana loo gaarsiin lahaa raashiinka ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha oo Saraakiisha Ciidamada kula kulmay magaaladaasi ayaa ka dalbaday in la qaado hawlgal dib loogu furayo wadooyinka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo kale magaalada kula yeeshay ururada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoona kala hadlay arrimo kala duwan, oo amniguna uu qayb ka yahay.
Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaan weli qaadin hawlgalka dib loogu furayo wadooyinka.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaana gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo kulamada xalka loogu raadinayo khilaafka hareeray arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda ee dalka ka dhex wada dadaalo ay tahay in la isu soo dhaweeyo, si looga gudbo muranka wiiqay doorashooyinka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com