Kooxo hubeysan ayaa galabta laba qof oo midi ay haweeney tahay ku dilay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilka ka dib ay kooxahaasi baxsadeen.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Waxarcadde, gaar ahaan halka lagu magacaabo Shaaciye, iyadoo kooxahaasi ay weerareen maqaaxi lagu shaaho, qaadkana lagu iibiyo oo halkaasi ku taala.
Kooxahaaasi ayaa la sheegay inay dileen haweeneydii maqaaxida haysatay iyo askari ka tirsan Ciidamada Booliska, oo xilligaasi shaah ka cabaayay maqaaxidaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dembiile-yaasha ay horey u sii qaateen qorigii uu ninka askariga watay.

Ciidamada Booliska ayaa daqiiqado ka dib ku baxay goobtaasi inkastoo aanay u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan dhagarqabe-yaasha.
Dilkan ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka, inkastoo ay xaaladda markii dambe ku soo laabatay, sideedii hore.
Habacsanaan dhanka amniga ayaa maalmihii ugu dambeysay laga dareemay Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay ku soo badanayaan dilalka qorsheysan iyo weliba qaraxyada ay ka gaysanayaan kooxaha nabadiidka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com