Maareeyihii Dekedda Kismaayo oo caawa lagu dilay Kismaayo

Maareeyihii hore ee Dekedda Magaalada Kismaayo, Cawil Cali Barre (Cawil Buluq) ayaa caawa lagu dilay magaaladaaasi.

Maareeyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday bar kontorool oo ku yaala afaafka hore ee gurigiisa, xaafadda Guulwade, gaar ahaan agagaarka Warshaddii Hilibka.

Is rasaaseynta waxaa la sheegay inay u dhaxeysay Ciidamadii Booliska ee kontoroolkaasi ku sugnaa iyo ciidan kaloo dhanka Madaxtooyada Jubbaland ka yimid.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mida ilaaladii Maareeyaha uu dhaawac culus ka soo gaaray is rasaaseyntaasi, kaasoo iminka xaaladiisa lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee Kismaayo.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dilka Maareeyaha uu ahaa mid qorsheysan, sida ay ku sheegayaan dadka degan xaafadda Guulwade.

“Walaal is rasaaseynta waxay bilaabatay mar uu gurigiisa sii gelaayay Maareeyaha, intii ka horeysay wax is rasaaseyn ah meesha kama jirin, labada ciidan-na way wada jooggeen. Markii uu gaariga Maareeyaha meesha ka gudbay ayay is bareer ah rasaas ugu furayn.” Ayuu yiri goobjooge la hadlay Dhacdo.com.

Goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri “Cadayn kale ayaan rabaa inaan ku siiyo ciidamadii la sheegay inay is rasaaseynta dhex martay, hal askari ha noqdeen cid wax kaga noqotay malahan. Maamulkana ma qaadin tallaabo uu ciidamadaasi ku soo xir xiraayo, marka way iska cadahay in Madaxweynaha Jubbaland uu dilka amray, sababtuna ay tahay in Cawil Buluq uu ka carooday dilkii bishii October magaalada loogu gaystay Madaxii Amal Bank ee Gobolada Jubbooyinka, Cabdullaahi Cabdisalaan (Shigshigow), oo uu dilay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland. Axmed Madoobe iyo isagana muddooyinkanba khilaafkaas waa ka dhex jiray.”

Allaha u naxariistee Cawil Buqul oo ku heyb ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Saraakiishii beeshaasi ee gar iyo gardaraba taageeray Axmed Madoobe, isla-markaana wada dhisay Maamulka Jubbaland, dhawr sano horteed.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dilka caawa Cawil Buluq loogu gaystay xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com